Ganacsade caan ahaa oo Beledweyn lagu diley

Image

February 17, 2015 (GO)- Gacansade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) ayaa maanta lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labo nin oo bistoolado ku hubaysnaa ayaa lagu so waramayaa inay ganacsadaha dilleen waxyar kadib markii uu ka baxay gurigiisa.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyoodey nin dhallinyaro ah oo Xaaji Quuraw  ilaalo u ahaa.

Goobta dilku ka dhacay daqiiqado kadib  waxaa soo gaarey ciidamada dowladda iyagoo sameeyey baaritaan muddo kooban socdey islamarkaana dhowr qof xirey.

Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) ayaa kamid ahaa ganacsatada sida weyn looga tixgeliyo Beledweyn, wuxuu sidoo kale kamid ahaa waxgaradka gobolka ee nabadda iyo xasiloonida aadka uga shaqeeya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM